Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed oo kormeeray Garoonka diyaaradaha Baydhabo

0
253

Madaxaweynaha Koonfur  Galbeed Mudane C/asiis Xasan maxamed Lafta gareen oo ay weheliyaan Qaar kamid ah Golihiisa wasiirada iyo Xildhibaano heer fedaraal ah oo deegaan doorashadoodu ay tahay koonfur galbeed ayaa maanta kor meeray Goroonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo.

Madahaweynaha ayaa ugu horeen Xariga ka jaray qeyb ka mid ah Garoonkan oo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Koonfur galbeed ay dayactir ku sameysay.

Qeybta dayactirka lagu sameeyay ayaa waxay ahaan jirtay meel Biyo Fariisin ah oo Dadka iyo Gaadiidka isticmaala Dhibaato badan ay ku qabeen laakin xilligan waxay u muuqataa mid sifiican loo dayactiray Waxaana la dhigay Dhagaxaanta loo yaqaaano interlog  ama kabal istoon.

Madaxaweynaha ayaa intaasi kadib, Kor meeray Terminaalka cusub ee laga hago diyaaradaha ee la dhisayo,kaas oo dhismihii xilligan meel wanaagsan ay marayaan.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dawlad goballeedka Soomaaliyeed ee Koonfur galbeed Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelaay ayaa Sheegay in Wasaaraddiisu ay wado Qorsheyaal kor looga qaadayo kaabayaasha dhaqaalaha Koonfur galbeed.

Warkan waxaa noo heya Abdikadir Mohamed Nor Warcade

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here