Madaxweynaha KGS oo Wafdi ka socda QM kala hadlay doorashooyinka & Abaaraha

0
418

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi ay Hogaaminaysay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay Marwo Anita Kiki Gbeho,

Kulanka Madaxweynaha iyo Wafdiga oo ay ka qeybgaleen Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada waxaa looga Hadlay Arimaha Abaaraha, Doorashooyinka iyo Amniga guud ee dalka.

Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay Marwo Anita Kiki Gbeho ayaa uga mahad celisay Madaxweynaha Koonfur Galbeed sida uu u dardar gelinayo Arrimaha doorashooyinka iyo sugida amniga degaannada Koonfur Galbeed.

Dhankiisa Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa uga mahad celiyay dadaalka ay Qaramada Midoobay ugu jirto sidii looga wada qeyb qaadan lahaa dhameystirka doorashooyinka iyo waxka qabashada abaaraha.

Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay Marwo Anita Kiki Gbeho ayaa la filayaa in Maalmaha soo socda ay booqato degaannada kale ee dowlad Goboleedyada si ay kulamo gaar gaar ah ula yeelato Madaxda Shanta Dowlad Goboleed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here