Madaxweynaha KG Oo Safiirada Beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya La wadaagay Xaalada Guud ee Deegaanada KG.

0
164

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Wafdi ka socday Safiirada Beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya oo uu Hogaaminaayey Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amp James Swan kuwaasi oo ka mid ahaa Safiirada Mareenkanka,Jarmalka, Ithopia, Iswiidhanka iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay.

Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirada Beesha Caalamka oo ay sidoo kale ka qeyb galeen Wasiiro,Agaasimaha Madaxtooyada iyo La-taliyaasha Madaxweynaha ayaa looga hadlay Xoojinta wada shaqeynta labada dhinac, u gurmashada Dadka ay Abaartu Saamaysay iyo Daadejinta Adeegyada Dowladda iyo dhismaha Golaha Deegaanka Degmooyinka KG lana gaarsiiyo heer Bulshada ay wax ku doortaan.

Warkung Waliba nig haaye Abdyqaadir Mathey Nuur War’ady

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here