Madaxweynaha KG oo hambalyo ku aaddan maalinta shaqaalaha aduunka u diray dhamaan shaqaalaha Koonfur Galbeed

0
374
Baydhabo(Radio Arlaadi)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Munaasabada 1da may oo ah Maalinta Shaqaalaha Aduunka awgeed waxa uu hambaliyo udirey dhamaan Shaqaalaha Soomaaliyeed gaar ahaan Shaqaalaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

 

“Waxaan hambalyo halkan uga dirayaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan xoogsatada Koonfur Galbeed munaasabadda maalinta shaqaalaha adduunka ee 1da May awgeed. Waxaan ku bogaadinayaa dhabar adayga iyo kartida aad muujiseen, idinka oo waliba ku shaqeynaya xaalado adag. Waxaan xoojinaynaa sidii dhalinyarada loogu kordhin lahaa Fursadaha shaqaalaysiinta, loogana faa’idayn lahaa sidii ay uga mid noqon lahaayeen shaqaalaha Soomaaliyeed ee wax u tara Dalkooda.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa caddeeyay ahmiyadda ay shaqaalaha Koonfur Galbeed ay u leeyihiin kobcinta dhaqaalaha, iyo ka qeyb qaadashada dadaallada loogu jiro Dowlad dhisidda Soomaaliya, waxa uuna qiray in shaqaalaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo u badan dhallinyaro ay mudanyihiin ammaan maadaama ay laf-dhabar u yihiin horumarka iyo Geedi socodka Dowladnimada Koonfur Galbeed.

1-da May maanta oo kale dunida oo dhan waxaa loo dabaal degaa maalinta shaqaalaha aduunka, iyadoo looga hadlo muhiimadda shaqaalaha, dhibaatooyinka soo wajaha iyo xuquuqdooda.

Waxaana jirin sanadkaan Munaasabadihii waaweynaa ee la dhigi jiray Maalintan oo kale taasi oo sabab u ah Halista Cudurka Safmareenka ee Covid 19, waxaana tan iyo markii uu dunida ka bilowday cudurkan lagu qasbanaaday in la galo xaalado bandow ah oo cudurka lagu yareynayo, Shaqaalaha aduunka ayuu saameyn ku yeeshay, waxeyna inta badan ka soo shaqeynayeen Guriyahooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here