Madaxweynaha KG oo Gaaray Degmada Xudur ayaa Sheegay in Jawaab Deg Deg ah uu Ka Bixin Doono Cabashada Shacabka Xudur .

0
289

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool isagoona Socdaalkiisa uu Yahay ka jawaabida Baahiyaha Haysta Bulshada ku Nool Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Wefdiga oo ay madaxweynaha ku wehlinayeen Qaar ka mid ah Golaha Wasiiradiisa, Lataliyaashiisa, Taliyaal Ciidan iyo Masuuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn ugu soo dhaweeyay Magaalada Xudur ee Xaruunta Gobalka Bakool Maamulka Gobalka Bakool, kan Degmada Xudur iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Warkan waxaa inoo haya Abdirahman Yusuf Hassan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here