Madaxweynaha Faransiiska Oo Laga Helay Covid19

0
246

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa laga heley cudurka karoonaha, sida uu baahiyay xafiiskiisa.

42- jirkan ayaa la sheegay in uu maray baaritaan kadib markii lagu arkay astaamo la mid ah kuwa cudurka, wuxuuna hadda kadib muddo 7 maalmood ah galayaa is go’doomin si uusan dad kale u qaadsiin.

War murtiyeed kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Macron uu weli isaga xukunka sii haynayo, hawlihiisii shaqana sidii usii qabsanayo.

Faransiiska ayaa dhowaan soo rogey bandoow xiliga habeenkii ah si loo xakameeyo cudurka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here