Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Oo Shacabka KG ugu Hambaliyeeyay Munaasabadda ciidul fidriga

0
291

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Mudane Cali Saciid fiqi ayaa Salaada Ciidul Fidriga Madaxtooyada kula Tukaday qeybaha kala duwan Bulshada iyo Goliyaasha Dowlada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Shacabka Soomaaliyeed  garaan ahaan kuwa Koonfur Galbeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciidda Soonfur, ugna baaaqay inay is caawiyaan, nabaddana laga shaqeeyo.

Warkan waxaa inoo haya Abdikadir Mohamed Nor Warcade

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here