Madaxda dowladda oo Salaadda Ciida dadweynaha kula tukaday Masjidka Cali Jimcaale

0
174

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda kale ee Dowladda ayaa saakay Salaadda Ciidda shacabka reer Muqdisho kula tukaday Masaajidka Cali Jimcaale oo dhawaan laga dhisay Muqdisho.

Madaxdii Madaxweynaha salaada ciida kula tukatay masaajidka isbahaysiga ayaa waxaa kamid ahaa,  Raiisulwasaaraha Soomaaliya Mudane Xamze Cali Barre, Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,  Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale, ayaa dadweynaha kula tukaday Masaajidkan.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya ciidamada Amisom, ayaa si wayn u adkeeyay ammaanka guud ee Masaajidka, waxayna xireen dhammaan wadooyinka soo gala masjidka, iyadoona dadka baaritaano adag la marsiinaayay.

Madaxweynaha Somaliya oo Salaadda ka dib khudbad u jeediyay dadkii ku soo tukaday Masaajidka Isbahaysiga, ayaa marka hore waxaa uu dadka Soomaaliyeed uu ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Adxaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here