Madaxa WHO oo ka digaya inaanay jirin daawo rasmi ah oo lagu daweyn karo Koroona Virus

0
250

Madaxa Hay’adda Caafimaadka Aduunka Tedros Adhanom yaa ka digaya in aanay jirin daawo rasmi ah oo dhammeystiran oo ilaa hadda la hayo taas oo lagu daaweyn karo cudurka safmarka ah ee COVID-19.

“Marka laga soo tago dadaallada ilaa hadda laga sameeyay soo saaridda tallaalka Karoona ilaa hadda ma jirto daawo rasmi ah oo loo hayo cudurka Karoona waxaana laga yaabaa in aanan gabigeed ba la helin” ayuu yiri Tedros Adhanom.

Hadalka madaxa hay’adda Caafimaadka Aduunka ayaa ku soo aadaya lix bilood kaddib markii ay hay’addu ku dhawaaqday in dunida oo dhan ay xaalad khatar ah ugu jirto cudurka COVID-19.

Tedros ayaa sheegay 30-kii bishii Jeenawari ay guud ahaan kiisaska Karoona ahaayeen 100 kiis mana jirin wax dhimasho ah oo Shiinaha bannaankiisa ku dhintay, balse saddex bilood kadib xiligaa waxaa uu cudurkan haleelay 3 milyan oo qof waxa uuna dilay 200,000 oo qof.

Hadda oo uu cudurkan lix bilood jiro waxaa uu ku dhacay dad gaaraya 1.8 Milyan oo qof halka ay u dhinteen 690,000 oo qof.

Madaxda WHO ayaa sheegay in dhowr tallaal ay marayaan tijaabadii sadexaad lana filahayo In qaar kamid ah ay noqdaan kuwa rasmi ah oo tallaal buuxa u noqon kara Karoona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here