Maamulka Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Erik Ten Hag.

0
86

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay gaartay go’aankeedii ugu dambeeyay ee ku saabsan mustaqbalka tababare Erik ten Hag.

Ka dib markii uu ku guuleystay EFL Cup oo uu ku dhameystay kaalinta seddexaad ee Premier League xilli ciyaareedkiisii ​​​​ugu horeysay ee kooxda, Ten Hag ayaa xilli ciyaareed adag ku qaatay Red Devils xilli ciyaareedkii dhamaaday iyaga oo ku dhamaystay kaalinta 8-aad ee premier League inkasta oo ay ku guulaysteen FA Cup-ka.

Sida laga soo xigtay The Athletic, Maamulka Man United ayaa qiimaysay xaalada Ten Hag Iyo wax qabadkiisa.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay maamulka Man United go’aansadeen in ay sii haystaan tababaraha reer Netherlands.

Ten Hag ayaa dhinaciisa ogolaaday in uu sii joogo kooxda Man United siina hogaamiyo kooxda xilli ciyaareedka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here