Maamulka Guud Ee cisbitaalka Degmada Xudur Oo ka warbixiyay adeegyada laga helo cisbitaalkaasi

0
283

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Maamulka gobolka Bakool iyo kan degmada Xudur ayaa kulan la qaatay maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka guud ee gobolka,waxaana su’aalo ku saabsan hannaanka shaqo baahiyaha jira iyo sidii loo horumarin lahaa howlaha isbitaalka laga waydiiyay mas’uuliyiinta gacanta ku hayaan shaqada isbitaalka.

Isbitaalka guud ee degmada xudur ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa uu qabanaayay dadaalo ku aadan howlaha caafimaad ee ay u baahan yihiin shacabka degmada iyo kuwa kale ee ka imanayaan degaanada kale ee katirsan gobolka bakool.

Labadii sano ee lasoo dhaafay wixii ka horeeyay ayaa xarumaha caafimaadka ee degmada xudur waxay ahayeen kuwo si aad ah u liitaan adeegyada ay bixin jireen, iyagoona inta badan bukaanada lageeyo isbitaalka qaarkood ay udhiman jireen dawooyinka ay u baahan yihiin aan yaalin iyo tayo yarida dhaqaatiirta isbitaalka, iyadoo qoorkoodna ay ku rafadeyeen in ay ku jiraan wadooyinka kale ee magaalooyinka loo qaado.

Isku tashi ay sameyeen maamulka degmada xudur iyo shacabka ayaa waxay xooga ay sareen sidii wasaarada caafimaadka dowlad goboleedka koonfur galbeed ay wax uga qaban laheen xarumaha caafimaadka degmada.

Kulanka maanta maamulka degmada xudur ay laqateen maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka guud ee xudur ayaa waxaa looga hadlaayay xaalada isbitaalka waxyaabaha uu shacabka ay kahelayaan iyo heerka maanta uu tagan yahay.

Agaasimaha guud ee isbitaalka ayaa maamulka degmada waxaa uu faafihino kasiyay sida ay usocdaan adeegyada loo haayo shacabka iyo isbedelka laga dareemaayo dhaqdhaqaaqa isbitaalka, sidoo kale agaasimaha ayaa sheegay in ay jiraan wax yar yar oo uu ubahan yahay isbitaalka sida daawooyinka qaar iyo qalab dhanka qaliinka ah.

Maamulka degmada xudur ayaa umahadceliyay maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka degmada xudur sida wanaagsan ee ay ugu shaqeyaan shacabkooda, waxaana maamulka uu balan qaadey in adeegyada kdhiman isbitaalka lasoo dhameystiri doono, sidoo kalena shaqaalaha ay heli donaan tababaro aqoontooda kor looga qadaayo.

Radio Arlaadi:-Maryan Macalin Abshir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here