Maamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray Amar culus oo ku socda Ganacsatada.

0
272

Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray xeerka ka hortagga Dabka, kadib markii dhowr jeer Magaalada Muqdisho uu ka kacay dab geystay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed.

Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo warbaahinta u Akhriyay Xeerka uu soo saaray Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee ka hortagga dabka ayaa lagu  amray ganacsatada iney Xeerkan dhaqan galiyaan.

Amarada kasoo baxay Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka kooban 7 qodob, kuwaas oo intooda badan ku socda Ganacsatada ku nool gobolkan Banaadir, waxaaa ay kala yihiin.

1: In dhamaan Goobaha Ganacsi & dhismooyinka waaweyn la faray inay qaataan qalabka looga hortago dabka ee loo yaqaano dab damiye noocyadiisa kala duwan, Qalabka digiinta dabka sheega iyo Shahaadada Dabka.

2: In maamulka gobolka Banadir ay u xulatay keenista qalabka dabka looga hortago waxyeelada dabka Shirkadda Som Fire protection, kadib markii Maamulka Gobolka Banaadir uu ku qancay tayada Qalabka.

3: Goobaha loogu talo galay ama loo asteeyay inay isticmaalaan Qalabkaan ayaa Maamulka Gobolka Banaadir ku sheegay, Dhamaan Shirkadaha waaweyn, kaalmaha Shidaalka, Maqaayadaha Waaweyn, Bangiyada, Moolasha Super, Marketyada , Garaashyada, Bakhaarada lagu iibiyo qalabka dhismaha noocyadooda kala duwan, dukaamada qalabka Electronicada ah, goobaha Waxbarashada, hoteelada, isbitaallada, Xafiisyada & xarumaha dowladda.

4: Waxaa la faray dhamaan goobaha ganacsiga inay qaataan Shahaadada dabka si loo mareeyo dabka tirada badan ee ka dhaca muqdisho, sidoo kalena laga maarmaan ay tahay inay heystaan  haamaha yaryar ee dabka lagu demiyo.

5: in laga bilaabo Maanta la mamnucay Ganacsiyada isku dhex Milan ee la isku dhex-gado waxyeelana isaga imaan karta, sida Shidaalka iyo wixii lamid ah.

6: Dhamaan qodobada an la soo sheegay hirgelintooda ayaa maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu u xilsaray waaxda gurmadka deg dega ah e dowladda Hoose ee Xamar.

7: In tallaabo uu ka qaadi doono Maamulka Gobolka Banaadir cid kasta oo ku xadgudubka xeerkaan iyo dhaqan gelintiisa.

Amarkaan kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu kusoo aadayaax illi sanadihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho goobo Ganacsi oo ku yaal iyo guryo qaarkood uu dab ka kacay, kaas oo geystay qasaaro nafeed & mid hantiyadeed intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here