Maamulka garoonka diyaaradaha Dubai oo amar kasoo saaray dadka soo badala baasaboorka talaalka Covid19

0
257

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Maamulaha garoonka ugu mashquulka badan adduunka ee rakaabka caalamiga ah ayaa sheegay in baasaboorada Covid ay yihiin wadada kaliya ee dib loogu bilaabi karo safarada badan ee dibada

Madaxa garoomada diyaaradaha ee Dubai Paul Griffiths ayaa BBC-da u sheegay:

“Uma maleynayo inay jirto wado kale”.

Dadka dhaleeceeya nidaamyada dhijitaalka ah waxay ku doodayaan inay takooraan kuwa aan iska tallaali karin.

Laakiin Mr Griffiths wuxuu sheegay inuu si buuxda u taageersan yahay dukumiintiyada, oo uu sheegay inay yihiin “lama huraan”.

“Waxaan u maleynayaa in dhibaatadu aysan ahayn baasaboorka tallaalka iyo takoorkiisa. Waa baahida loo qabo in wax walba la soo bandhigo oo la helo barnaamij tallaal oo caalami ah loo siman yahay,” ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here