Baydhowy (Raathiyow Arlaathi) Gudoomiyaha Degmada Xudur ahna duqa Magaalada Gudoomiye Kuxigeenada Degmada Isku-duwaha Arimaha Samafalka Gobolka Bakool oo wakiil ka ah Wasaaradda Gargaarka KG iyo xubno katirsan Golaha deegaanka ee Degmada Xudur ayaa kormeerey Kaamamka ay deganyihiin dadka barakacayaasha ah, si ay u ogaadaan xaaladda dhabta ah ee ay ku noolyihiin qoysaska ka soo barakacey dhibaatooyinka Amni ee ka jira Deegaanadaasi
Gudoomiyaha Degmada Xudur ahna duqa Magaalada Cumar Cabdulaahi Maxamuud, ayaa sheegey in qiimeynta Xeryaha Barakacayaasha ay ku sameeyeen ku ogaadeen in ay ka jirto xaalado bani’adanimo oo aad u adag islamarkaana u baahan yihiin in la soo gaarsiiyo gargaar isugu jira Raashiin kala duwan iyo biyo agabka guriyaha
Warkung waliba nig haaye Abdyqaadir Mohamed Nor War’adyÂ