Maamulka Baydhabo Book House Oo Ku Baaqay in La Weyneeyo Wax Akhriska iyo Qoraalka

0
317

Baydhabo(Radio Arlaadi)-In lahelo maktabadooyin lagu iibiyo buugaagta iyo agabka waxbarashada waxey hormarin karaan aqoonta iyo fahanka waxbarashada ardeyda soomaaliyeed ee kala jogaan heerarka kala ah iskuulada hoose dhexe sare iyo kuwa heerka jaamacadeed.

Baydhabo Book House waxey ka mid tahay maktabadooyin ku yalaan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, waxey furan tahay mudo ku dhow sedax sano waxaana lagu iibiyaa buugaagta iyo agabka waxbarashada, waxey qeyb weyn ay ka qaadatay in ardayda kala duwan ee Magaalada Baydhabo ay helaan bugaagta aqriska ee fasalada kala duwan iyadoona ardeyda usoo dhaweysey bugaagtii maalmo ay sugayeen weliba iyagoo raqiis ah.

Warkan waxaa inoo haya SiidCali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here