Maamule iskuul oo shaqadiisa ku waayay arrin la yaab leh.

0
228

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Maamule iskuul oo u dhashay Koofur Afrika ayaa shaqada laga joojiyay kaddib markii lagu eedeeyay in wiil 11 jir ah uu ku qasbay in godka suuliga oo saxaro ay ka buuxdo uu ka raadiyo telefoon isaga ka lumay.

Waxaa la sheegay in ardayga uu xarig ku xiray kaddibna uu ku qasbya in godka suuliga uu ka soo saaro teelfoonka, isaga oo u ballan qaaday inuu siinayo 200 rand oo u dhiganta 14 dollar.

Ayeeyada wiilka ayaa sheegtay in wiilkeeda uu haatan ka baqayo inuu iskuulka aado isaga oo ka baqaya inay ardayda ku maadeystaan.

Waaxda waxbarashada gudaha ayaa sheegtay in arrintaasi ay tahay ceeb.

Sarkaal sare oo waaxda waxbarashada gobolka Eastern Cape ka tirsan, laguna magacaabo Fundile Gade, ayaa sheegay in dhacdadaasi ay tahay mid laga yaxyaxo isla markaana uu booqan doono guriga wiilka si uu raalligelin u siiyo.

Maamulihii iskuulka Luthuthu Junior Secondary School ayaa haatan waxaa baaritaan ku wada waaxda Eastern Cape.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here