Maalqabeennada Ruushka oo hantidooda ula baxsanaya Imaaraadka

0
205

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Magaalada Dubai ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa noqtay hoyga maal-qabeennada dalka Ruushka ee ka baxsanaya saameynta cunna-qabateynta reer Galbeedku ay ku beegsanayaan Ruushka sababo la xiriira dagaalka Ukraine.
Tiro badan oo aan horay loo arag oo ah maalqabeenno iyo ganacsato u dhashay dalka Ruushka ayaa ku qulqulaya Imaaraadka Carabta.

Hantida ay iibsanayaan ganacsatada Ruushka ee Dubai ayaa sare u kacday 67% saddexdii bil ee u horreysay sanadkaan 2022, sida lagu sheegay warbixin la baahiyay.
Imaaraadku wax cunaqabatayn ah kuma soo rogin Ruushka mana dhaleecayn duullaanka uu ku qaaday Ukraine.

Sidoo kale Imaaraadku wuxuu dal-ku-gal siiyay dad Ruush ah xilli wadamada reer Galbeedku ay xayiraad dalalkooda ka saareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here