Maalqabeen Japan u dhashay oo doonaya 8 qof oo u raaca dayaxa

0
272

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Bilyaneer u dhashay dalka Japan ayaa doonaya sideed qof oo ku wehlisa safar uu ugu bixi doono dayaxa isagoo raacaya dayax gacmeedka SpaceX ee uu leeyahay maalqabeenka Elon Musk.
Yusaku Maezawa ayaa video uu soo dhigay Twitter ku sheegay inuu doonayo dad ka soo jeeda qeybaha kala duwan ee bulshada caalamka, waxaana uu soo bandhigay faahfaafinta codsiga ku aaddan arintaa.

Waxa uu tilmaamay inuu bixinayo dhammaan kharashka safarka, dadka raacana ay si bilaasha ku tegi doonaan dayaxa.

Safarka oo loogu magacdaray dearMoon ayaa lagu wadaa inuu dhulka ka ambabaxo sanadka 2023.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here