Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka oo manta dunida laga xusayo.

0
203

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay in 3-da May in ay tahay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka iyadoo loo arkayay in kor loo qaado wacyiga ku saabsan muhiimadda ay leedahay xorriyadda saxaafadda iyo in la xasuusiyo dawladaha waajibaadkooda ku aaddan ixtiraamka iyo dhawrista xaqqa.

Xorriyatul-qawlka ee ku xusan qodobka 19-aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka 1948-kii iyo xuska sannad-guurada Bayaanka ku saabsan mabaadi’da saxafada xorta ah oo ay isugu geeyeen saxafiyiin Afrikaan ah oo ku sugnaa Windhoek 1991kii.

Abaabulka sanadlaha ah tan iyo 1993, Shirka Caalamiga ah wuxuu siinayaa fursad saxafiyiinta, wakiilada bulshada rayidka ah, mas’uuliyiinta qaranka, aqoonyahannada iyo dadweynaha si ay uga wada hadlaan caqabadaha soo ifbaxaya ee ku wajahan xorriyadda saxaafadda iyo badbaadada saxafiyiinta, iyo in laga wada shaqeeyo xallinta caqabadahaasi.

Warkung Waliba nig haaye Abdyqaadir Mathey Nur Warcade

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here