Maalinta Joojinta Isla xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta oo dunida laga xusayo.

0
75

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Maalinta Caalamiga ah ee Joojinta Isla xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta (IDEI) waa maalin caalami ah oo ay Qaramada Midoobay u aqoonsan tahay sanad walba 2 November.

Maalintani waxay soo jeedinaysaa heerka isla xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta, taasoo weli ah mid aad u sareysa caalamka. Intii u dhaxaysay 2006 iyo 2020, in ka badan 1,200 oo saxafiyiin ah ayaa lagu dilay adduunka oo dhan, iyadoo ku dhawaad 9 ka mid ah 10 kii kiis ee dilalkan ah ay weli yihiin kuwo aan wax xal ah laga helin, sida ay sheegtay hay’adda UNESCO ee la socoto saxafiyiinta la dilay.

Maadaama saxafiyiintu ay door muhiim ah ka ciyaaraan sameeynta warbixinada xaqiiqda ah una soogudbiyaan muwaadiniinta oo dhan, ciqaab la’aanta werarada ka dhanka ah waxay leedahay saameyn gaar ah oo dhaawaceysa, xaddidaysa wacyiga dadweynaha iyo doodaha wax dhisaya.

Noofambar 2, ururada iyo shakhsiyaadka adduunka oo dhan waxaa lagu dhiirigelinayaa inay ka hadlaan kiisaska aan la xallin ee dalalkooda, oo ay u qoraan dawladda iyo saraakiisha dawladda dhexdeeda si ay u dalbadaan caddaalad.

Warkung Waliba nig haaye Abdyqaadir Mahamed Nor War’ady

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here