Maalinta Caalamiga ah Ee Ciribtirka isku-furanka Haweenka Oo Maanta Dunida Laga Xusayo.

0
107

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Sannad kasta 23-ka May,Waxa la xusaa maalinta caalamiga ah ee joojinta Fistulata oo sare u qaadeyso wacyigelinta ciribtirida xaaladaan caafimaad. Hey’ada qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka ee loo soo gaabiyo WHO ayaa waxayna u abaabushaa taageero caalami ah oo loogu tala galay haweenka taa soo loogu tala galay in looga hadlo ciribjaridaFistulada.

San duuqa Dadweynaha ee Qaramada Midoobay (UNFPA) iyo la-hawl galayaasheed aaya abilaabay Ololaha dabarjarida Fistula sannadkii 2003. Hadafka dadaalladan iskaashiga ah ayaa ahaa in looga hortago fistula umusha iyo daaweynta dadka uu saameeyay. Sanadkii 2012, Qaramada Midoobay waxay ku dhawaaqday May 23-keeda in ay tahay maalinta caalamiga ah eejoojinta Fistula-ka umusha. Xuskii ugu horeeyay ayaa la qabtay sanadkii 2013-kii.

Fistula umusha waa mid ka mid ah dhaawacyada ugu daran uguna naxdinta leh ee dhalmada.Fistolada umusha waa dalool u dhexeeya marinka dhalmada iyo kaadiheysta ama malawadka, oo ay keento fooshu daba dheeraatay, oo xanniban iyada oo aan la helin daawaynta tayada sare leh oo lagu sameeyo wakhtigeeda.Sida laga soo xigtay UrurkaCaafimaadka Adduunka (WHO), fistula uurku wuxuu ku dhacaa ilaa 100,000 oo haween ah sannadkii. Inta badan haweenkan waxay ku noolyihiin saboolnimo.

Warbyhingtung Waliba nig haayte Mariing Mallyng Abshir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here