Maalinta Caalamiga ah ee Caanaha oo maanta la xusayo

0
324

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Hay’adda Cunnada iyo Beeraha QM ee (FAO) ayaa u aqoonsatay maalinta Caanaha Adduunka ee 1-da Juun oo sannad waliba laga xuso caalamka tan iyo 2001-dii oo aheyd sannadkii ugu horreyay ee la xusay.

FAO ayaa aqoonsatay maalintan kaddib markii ay qiimeysay kaalinta ay nolosha uga jiraan Caanaha dunida oo dhan.

Sanadihii ugu dambeeyay dalka Hindiyaa ayaa kaalinta 1-aad uga jira soo saarista Caanaha iyada oo Hindiya oo kaliya ay soo saarto 150 milyan oo tan.

Sannadkan xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caanaha waxaa u buuxsantay 20 sano iyadoo hal ku dhigga sanadkan uu yahay Sannad-guuradii 20-aad ee Maalinta Caalamiga ah ee Caanaha.

Ma jiro isku imaatinno waaweyn oo lagu maamuusayo maalinta, maadaama caalamka uu ka jiro cudurka sida fudud u faafa ee COVID-19, iyadoo dadku badankiina ay weli ku jiraan guryaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here