Lix Ciyaartoy Oo Ka Tirsan Manchester United Oo Dalbanaya Inay Iskaga Tagaan Old Trafford

0
291

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Manchester United waxay ku jirtaa xaalad ay dib isku dhisayso oo u muuqata in markii ugu horreysay tan iyo bixitaankii Sir Alex Ferguson ay taagan tahay heer ay kula tartami karto naadiyada horyaalka ku dagaallamaya, waxaana muuqaalkeeda duleed uu isbeddelay xili ciyaareedkii hore markii ay lasoo saxeexdeen Bruno Fernandes.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa sameeyey saxeexiisii ugu horreeyey ee xagaagan iyadoo uu gacanta kusoo dhigay kubbad-sameeyaha reer Netherlands ee Donny van de Beek, waxaana uu wali ku raad-joogaa difaac bidix oo loo badinayo inuu noqon doono Sergio Reguilon oo Real Madrid ah iyo garabka midig ee weerarka oo ay u doonayaan Jadon Sancho.

Van de Beek ayaa khadka dhexe la wadaagi doona Paul Pogba iyo Bruno Fernandes, waxaana imaatinkiisu uu meesha ka saari doonaa laacibiin waaweyn oo boos la’aan noqon doona.

Inkasta oo mustaqbalka Pogba aanu sugnayn oo aanu saxeexin heshiis cusub iyadoo 10 bilood oo kali ahi ka hadhsan yihiin qandaraaskiisa Old Trafford, waxa haddana ay Manchester United  rajaynaysaa in la gaadhi doono heshiis oo uu heshiiska kordhin doono.

Xiddigaha da’da yar ee kooxda ayaa fursaddu kusoo yaraanaysaa haddii uu tababare Solskjaer suuqa iibka kasoo qaato ciyaartoyda uu u baahan yahay oo dhan, waxaana dhibaatadaas oo kale geli doono laaacibiin waaweyn oo haddaba jooga Old Trafford oo ay kooxdu kasoo bixisay lacago badan balse boos la’aan noqon doona.

Toddobaadkii hore, markii ay ciyaartoyda kooxda intooda badan u baxeen ciyaaraha caalamiga ah, waxa xarunta tababarka kusoo hadhay: Bishop, Grant, Fosu-Mensah, Dalot, Tuanzebe, Williams, Shaw, Smalling, Lingard iyo Rashford oo dhaawac looga soo saaray xulka qaranka, halka Andreas Pereira, Aaron Wan-Bissaka, iyo Marcos Rojo la sheegay inay ku jireen karantiil.

Sergio Romero, Odion Igahlo, Juan Mata, Nemanja Matic, Fred, iyo Phil Jones ayaan iyaguna imanin xarunta tababarka iyagoon haysanin wax fasax ah, halka Harry Maguire uu ku jiray usbuuc fasax ah maadaama uu galay dacwado iyo maxkamado khalkhal geliyey waqtigiisii fasaxa.

Sida uu qoray wargeyska MNE, lix ciyaartoy oo ka tirsan Manchester United ayaa dalbanaya inay iskaga tagaan kooxda inta uu furan yahay suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan.

Marcus Rojo, Chris Smalling iyo Matteo Darmain oo amaah kaga maqnaa kooxda xili ciyaareedkii hore ayaa la sheegay inay doonayaan inay iskaga tagaan Old Trafford oo ay kusoo laabteen xagaagan, kaddib markii ay u caddaatay in aanay suurtogal ahayn inay boosas ka helaan safka tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Jones oo isagana kulankii ugu dambeeyey ee uu u ciyaaro Manchester United uu ahaa bishii February ayaa ka mid noqday liiska ciyaartoyda doonaya inay baxaan, waxaana soo raaca laacibka reer Brazil ee Andreas Pereira oo ah 24 jir khadka dhexe ka ciyaara iyo Jesse Lingard.

Goolhayaha reer Argentina ee Sergio Romero ayaa isaguna ku biiray liiska ciyaartoyda bixitaanka doonaya, waxaana uu go’aankan qaatay markii ay kooxdu dib usoo ceshatay goolhayaha da’da yar ee Dean Henderson oo xataa u diyaarsan in booska koowaad uu kala baxo David de Gea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here