Liverpool & PSG Oo Heshiis Is Dhaafsi Ah Samaysan Kara Suuqa Xagaagan.

0
285

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Wararka ka imanaya dalka England ayaa sheegaya in ay kooxaha Liverpool iyo PSG is dhaafsan karaan laba xiddig oo uu hogaaminayo xiddiga Mohamed Salah inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Bilihii lasoo dhaafay, Mohamed Salah ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda Liverpool inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga Mohamed Salah ayaa xitaa diiday in uu Albaabka ka xidho ku biirista horyaalka La Liga oo uu xiiso ka helayo kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

Laakiin kooxda PSG ayaa ah kooxdii ugu dambaysay ee xiiso u muuisa saxiixa xiddiga Mohamed Salah kaas oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxdooda.

Dhanka kale PSG ayaa Mohamed Salah u doonaysa badalka Xiddiga Kylian Mbappe kaas oo diidan in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Sidaas darteed kooxda PSG ayaa doonaysa in ay heshiis isku badalasho ah u soo bandhigto kooxda Liverpool si ay qaab toos ah isku dhaafsadaan xiddigaha Mohamed Salah iyo Kylian Mbappe inta lagu jiro suuqa xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here