Liverpool Oo Xidhiidh La Samaysay Philippe Coutinho

0
289

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay xiriir la samaysay kubad sameeyaha kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho iyaga oo doonaya in ay dib ugu soo celiyaan garoonka Anfield.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa 5 sano ku qaatay Liverpool ka hor intii uuna ku biirin Barcelona sanadki 2018 laakiin waxa uu ku dhibaatooday in uu soo bandhigo qaab ciyaareedkii laga filayay.

Philippe Coutinho ayaa si weyn loola xidhiidhinayay ka tagista Barcelona iyada oo kooxdu doonayso in ay iska dhinto mushaharkiisa aadka u badan.

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, Liverpool ayaa ka warqabta xaalada Coutinho, waxayna wadahadalo la yeelatay wakiiladiisa, iyagoo Kala hadlay ku laabashada Merseyside.

Coutinho ayay 18 bilood uga dhimantahay heshiiskiisa kooxda Barcelona waxana uu 16 kulan u saftay Kooxdiisa tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan oo dhan laakiin waxa uu ku bilowday kaliya 5 kulan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here