Liverpool Oo Qarka U Saaran Saxiixeedii Uu Horeeyay Ee Suuqa January

0
270

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Liverpool ayaa qarka u saaran dhamaystirka saxiixa xiddiga kooxda Fc Porto ee Luis Diaz sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Colombia ee garabka ciyaara ayaa ka mid noqday xiddigaha ugu fiican yurub 12-kii bilood ee ugu dambeeyay.

Xiddiga 24 jirka ah ayay Liverpool u aragtaa badalka xiddigaha Mohamed Salah iyo Sadio Mane kuwaas oo aaday waajbaadka xulalkooda koobka qaramada qaarada Africa.

Tababaraha Liverpool ee Klopp ayaa la dhacay qaab ciyaareedka xiddiga Diaz kaas oo laba jeer ka hor tagay Liverpool tartanka champions League wareega Group-yada xilli ciyaareedkan.

Diaz ayaa heshiiskiisa lagu bur-burin karaa lacag dhan 67 milyan oo euro koooxda Liverpool ayaana haatan isku diyaarinaysa in ay bixiso lacagtaas si ay u hesho saxiixiisa maalmaha soo socdda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here