Liverpool Oo Loo Sheegay In Ay U Dhaqaaqdo Xiddig U Ciyaara Arsenal Si Ay Ugu Badasho Mohamed Salah.

0
381

Goolhayihii hore ee England Paul Robinson ayaa ku booriyay Liverpool inay u dhaqaaqdo xiddiga Arsenal Bukayo Saka haddii Mohamed Salah uu ka tago kooxda.

42-sano jirkaan ayaa aaminsan in ciyaaryahan kasta oo adduunka ah uu doonayo inuu matalo Reds, taasoo ay uga mahadcelinayaan joogitaanka Jurgen Klopp.

Kooxda U tartamaysa horyaalka premier League ayaa ku faa’iiday weeraryahanada Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino sanadihii ugu dambeeyay laakiin waxa uu heshiisyadoodu dhici doonaa sanadka 2023.

Mohamed Salah oo ay Liverpool doonayso in ay heshiis cusub ka saxiixato ayaa iska diiday in uu qalinka ku duugo heshiis cusub waxana uu Robinson u sheegay Liverpool in ay u dhaqaaqdo saxiixa Saka hadii uu Salah ka tago kooxda.

“Waa ciyaaryahan sare,” goolhayihii hore ee England ayaa u sheegay Football Insider, mar walba waxa jirta soo jiidasho Liverpool sabab la xidhiidha Klopp iyo xidhiidhka uu la leeyahay xiddigihiisa”.

“Liverpool waxa ay u tartamaysaa koobab walba arintaas ayaana xiddig kasta ku soo jiidanaysa kooxda, Hadii uu Salah ka tago Liverpool, waa in ay badalkiisa u dhaqaaqdo Saka kaas oo kor u qaadi doona heerkooda”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here