Liverpool Oo Laga Jabiyay Rikoodh Cajiib Ah Oo Ay Ku Lahayd Anfield Kadib Ceebtii Leeds.

0
176

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Liverpool ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Leeds United kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa horyaalka premier Leageu.

Liverpool ayaa dusha loo saaray guuldaradii 4-aad ee xilli ciyaareedakn horyaalka premier League xilli uu xaalkeedu marayo meel aad u xun.

Kadib guuldarada Liverpool ayaa laga jabiyay rikoodh aad u fiican oo ay ku lahayd garoonkeeda horyaalka premier League.

Leeds ayaa soo afjartay rikoodh bilaa guuldaro ah oo ay Liverpool ku lahayd garoonkeeda Anfield kulamada horyaalka premier League.

Liverpool ayaa la kulantay guuldaradii ugu horaysay ee horyaalka premier League kulan ay ku ciyaarayso garoonkeeda tan ilaa March 2021.

Liverpool ayaa bilaa guuldaro ahayd 29 kulan oo ay ku ciyaartay garoonkeeda premier League iyada oo badisay 22 kulan halka ay bar-baro gashay 7 kale ka hor guuldaradii Leeds.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here