Liverpool Oo Lacag Waali Ah Ku Iibinaysa Xiddigeda Saameynta Leh.

0
35

Baydhowy (Raathiyow Arlaathi) Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay ka fiirsanayso in ay aqbasho lacag badan oo ay ku helayso xiddigeeda.

Saudi Pro League ayaa aad u doonaysa in horyaalkeeda ay geeyso Mohamed Salah weeraryahanka Reds.

32 jirkaan ayaa weli lala xiriirinayaa inuu lacag badan ku aadayo Bariga Dhexe isagoo haatan galay sannadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa Anfield.

Salah waxa uu helay maqaam halyeeynimo ah todobadii sannadood ee uu joogay dhanka cas ee Merseyside, waxa uu ka qayb qaatay 211 gool iyo 89 caawin 349 kulan oo uu u saftay sidoo kale waxa uu kula guulaystay guud ahaan todoba koob.

Xiddiga reer Masar ayaa u adkaystay wakhtiyo tijaabo ah xilli ciyaareedkii hore, laakiin waxa uu wali awooday in uu 25 gool dhaliyay isla markaana diwaan geliyo 14 caawin 44 kulan oo uu Reds kula guulaystay koobka EFL Cupka isla markaana ay ku dhamaysatay kaalinta saddexaad ee Premier Leaque-ga.

Salah ayaa si joogta ah uga soo muuqday ciyaaraha isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee tababare Arne Slot, waxaana lagu wadaa inuu sii ahaado shaqsi muhiim ah qorshaha kooxda koowaad ee xilli ciyaareedka 2024-25.

Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in kooxaha Al Ittixaad, Al-Ahli, Al-Nassr iyo Al-Hilal ay dhamaantooda isha ku haayan weeraryahanka.

Waxaa la sheegay in Liverpool ay ku adkaan doonto inay diido dalabka ah 100ka milyan ee ginni.

In ka badan saddex toddobaad ayaa weli ka harsan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, Liverpool ayaa heysata waqti badan oo ay ku keeni karto bedelka haddii dalabka Salah uu yimaado maalmaha soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here