Liverpool oo ku wargalisay Barcelona qiimaha ay kaga iibineyso Georginio Wijnaldum

0
301

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska “Daily Mail” ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, Ronald Koeman tababaraha cusub ee kooxda Barcelona, ayaa muujiyey sida uu u doonayo inuu mar kale la shaqeeyo Wijnaldum, oo uu tababare ugu soo noqday muddadii uu joogay xulka qaranka Holland.

Maamulka kooxda Liverpool ayaa dejiyay qiimo dhan 15 million pounds si ay u iibiyaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum, kaasoo adeegiisa ay xiiseyneyso Barcelona.

Warbixinta ayaa muujisay in Barcelona ay rajeyneyso inay ku hesho saxiixa Georginio Wijnaldum 10 million pounds, waana qiimo ka hooseeya inta ay dalbatay kooxda reer England.

Wargeyska “Daily Mail” ayaa tilmaamay in laacibka reer Holland uu ku jiro sanadkii ​​ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa Reds, isagoo aan wax dood ah ka qabin inuu tijaabiyo loolan kale ee cusun.

Barcelona ayaa la soo saxiixatay Miralem Pjanić si ay ugu xoojisato khadkeeda dhexe, maadaama la filayo inay fasaxdo Arturo Vidal, kaasoo uu u sheegay tababare Ronald Koeman inuusan u baahnayn xilliyada soo socda.

Dhinaca kale, Liverpool ayaa dooneysa inay ku xoojiso khadkeeda dhexe, laacibka Bayern Munic ee Thiago Alcântara, waxayna Bayern weydiisatay qiimo dhan 30 million pounds, si ay u ogolaato bixitaankiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here