Liverpool Oo Ku Biirtay Baacsiga Loogu Jiro Saxiixa Daafaca Kalidou Koulibaly

0
301

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Napoli Kalidou Koulibaly suuqa xagaaga sid ay sheegayaan wararku.

Mustaqbalka xiddiga 29 jirka ah ayaa mar kale la hadal hayaa ka hor suuqa Xagaaga waxana la sheegayaa in haatan lagu heli karo qiimo aad u jaban.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ay ay kooxda Napoli hoos ugu dhigtay qiimihiisa 45 milyan oo euro sabab la xidhiidha xaalada dhaqaale ee ay kooxu ku jirto.

Kooxaha Man United iyo Bayern Munich ayaa lala xidhiidhinayaa daafaca laakiin saxafiga wargayska Bild u shageeya ee Christian Falk ayaa sheegay in ay Liverpool sidoo kale xiiso dhab ah u hayso daafaca.

Reds ayaa la filayaa in ay xagaaga u gasho saxiixa daafac cusub inkasta oo ay suuqii January la soo saxiixatay xiddigaha Ben Davies iyo Osan Kabak.

Kalidou Koulibaly Ayaa hal gool u dhaliyay kooxda Napoli xilli ciyaareedkan waxana la rumaysanyahay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here