Liverpool oo jaratay tikitkeeda finaalka UEFA Champions League

0
254

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Liverpool oo jaratay tikitkeeda fianalka UEFA Champions League kaddib markii ay kaga soo adkaatay 2-3 kooxda Villarreal oo ay ku booqatay garoonka Estadio de la Cerámica, kulankii lugta labaad wareega afar dhammaadka ee tartankan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Villarreal.

Daqiiqadii 3-aad kooxda Villarreal ayaa durba hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay laacibkooda Boulaye Dia, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Étienne Capoue.

41 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Francis Coquelin oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Étienne Capoue ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Villarreal.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 62-aad kooxda Liverpool ayaa dhalisay gool waxaana 2-1 ka dhigay ciyaarta xiddiga reer Brazil ee Fabinho, kaddib markii uu ka caawiyay Mohamed Salah.

Luis Díaz oo caawin ka helay saaxiibkiis Alexander-Arnold ayaa daqiiqadii 67-aad wuxuu ciyaarta ka dhigay barbardhac 2-2 ah.

Laakiin daqiiqadii 74-aad Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana u dhiibay Sadio Mané kaddib markii ay caawin kaga timid Naby Keïta, dheesha ayaa waxay sidaas ku noqotay 2-3 ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool.

Ugu dambeyntii dheesha ayaa ku dhammaatay 2-3 ay kaga soo adkaatay Liverpool, kooxda Villarreal oo ay ku booqatay garoonka Estadio de la Cerámica, kulankii lugta labaad wareega afar dhammaadka ee tartankan, waxayna Reds cel-celis ahaan isaga xaadirisay finalka UEFA Champions League 5-2.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here