Liverpool Oo Isha Ku Haysa In Ay Jabiso Rikoodh Gooldhalinta kulanka Watford.

0
269

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda Liverpool ayaa isha ku haysa in ay jabiso rikoorkii abid ugu fiicnaa ee gooldhalinta England kulanka Watford ee horyaalka premier League.

Reds ayaa u safreysa Watford maanta oo sabti ah kulan ka tirsan premier League iyaga oo hogaanka u qaban doona horyaalka hadii ay guul ka gaadhaan garoonka Vicarage Road.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa dhalisay ugu yaraan saddex gool mid kasta oo ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay ee ay ku ciyaaraan meel ka baxsanagroonkooda Burnley, Norwich City (labo gool), Leeds United, Brentford iyo Porto.

Si kastaba ha ahaatee, ma jirto koox reer England ah oo dhaliyay 3 gool 7 kulan oo xidhiidh ah taramada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa ah kooxda ugu goolasha badan Premier League xilli ciyaareedkan iyagoo dhaliyay 17 gool, laakiin guuldarro 3-0 ah ayaa soo gaartay booqashadoodii ugu dambeysay ee Watford bishii February 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here