Liverpool Oo Heshiis Isku Badalasho U Soo Bandhigaysa Barcelona & Xiddiga Ay Ka Doonayaan Oo La Ogaaday.

0
84

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay isha ku hayso saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Raphinha iyaga oo ka doonaya heshiis isku badalasho ah isku dhaafsadaan xiddiga Luis Diaz.

Diaz ayaa wacdaro ka dhigay Liverpool tan ilaa markii uu ku soo biiray waxana uu ka mid noqday xiddigaha ugu muhiimsan kooxda Klopp.

Xiddiga Luis Diaz ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Barcelona iyada oo Aabaha dhalay xiddigu sheegay in uu xiddigu ku riyoodo u ciyaarista kooxda Barcelona.

Sida laga soo xigtay wargayska Fichajes, in Reds ka fiirsanayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Raphinha iyada oo kooxda uu hogaamiyo Klopp ay u soo bandhigi doonaan Barcelona heshiis isku bdalasho ah.

Daiz ayaa Liverpool kaga soo biiray FC Porto sanadkii 2022-kii, waxaana tan iyo markaas uu u saftay 61 kulan kooxda ka dhisan garoonka Anfield, isagoo u diiwaan geliyay 15 gool iyo sagaal caawin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here