Liverpool Oo Hadiyad Ka Heshay Xulka Qaranka Masar

0
224

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Liverpool ayaa Hadiyad ka heshay xulka qaranka Masar kadib markii uu tababaraha xulka Masar xiddiga u ogolaaday in uu wakhti hore ku laabto Liveprool kana fasaxay waajibaadka xulkiisa.

30 jirkan ayaa 2 gool dhaliyay kulankii uu xulka Masar guusha 3/0 ah ka gaadhay kooxda Niger Jimicihii waxana la filayay in uu ciyaaro kulanka Liberia.

Laakiin tababaraha xulka Masar Rui Vitoria ayaa xaqiijiyay in uu Mohamed Salah ka saaray waajibaadka xulkiisa una diray in uu ku Laabto Liverpool.

Warkan ayaa ah mid u fiican Liverpool maadama uu xiddigu heli doono maalmo yar oo nasiino ah ka hor inta uuna xilli ciyaareedku dib u bilaaban todobaadka dambe.

Salah ayaa haatan isku diyaarinaya kulanka sabtida dambe ay kooxdiisa Liverpool la ciyaari doonto Brighton kulan ka tirsan premier League.

Mohamed Salah ayaan xilli ciyaareedkan ku jirin qaab ciyaareed fiican isaga oo 3 gool oo kaliya u dhaliyay dhamaan 9 kulan tartamada oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here