Liverpool Oo Guul Soo Laabasho Leh ka Gaadhay Luton Town.

0
78

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Liverpool ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Luton Town kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Liverpool ayaa 4/1 ku xasuuqday kooxda Luton Town kulan ka dhacay Anfield.

Goolka 1-aad waxa dhaliyay Luton daqiiqadii 12-aad waxana u dhaliyay xiddiga Chiedozie Ogbene kaas oo hogaanka u dhiibay Liverpool.

Liverpool ayaa la soo daahday bar-baraha waxana daqiiqadii 56-aad dhaliyay goolka daafaca Virgil Van ijk oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Xiddiga Cody Gakpo ayaa daqiiqadii 58-aad dhaliyay goolka 2-aad waxana uu ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Liverpool daqiiqado dhinaca kale ugu rugtay natiijada kulanka.

Luis Diaz ayaa daqiiqadii 71-aad dhaliyay goolka 3-aad waxana uu ciyaarta ka dhigay 3/1 ay Liverpool ku hogaaminayso natiijada caiyaarta.

Xiddiga Harvy Ellite ayaa daqiiqadii 90-aad dhaliyay goolka 4-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 4/1 ay Liverpool ku hogaaminayso.

Guushaas ayaa Liverpool ka caawisay in ay sii wadato hogaaminta horyaalka iyaga oo 4 dhibcood ka horeeya kooxda Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here