Liverpool Oo Guul Ay U Qalantay Ka Soo Gaartay Sheffield United, Weerarkooda Waa Uu Wacnaa.

0
317

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Liverpool ayaa guul ay u qalmeen waxa ay ka gaareen Sheffield United0  oo ay marti u ahayeen waxa ayna uga talaabsadeen laba gool oo nadiif ah 

Qeybta hore waxa ay Liverpool soo bandhigeen ciyaar cadaadis leh balse  nasiibka iyo daafaca Sheffield United0  ayaa hor taagnaa xilli kooxda martida loo ahaa ay maciin bidayeen kubadaha rogaal celiska ah 

Liverpool iyaga ayaa qeybta hore si weyn ugu sareeyay kubad hayshada balse dhameystirka ayaa ka maqnaa waan midda keentayin  bilaa goolal lagu nasto

Qeybta labaad , Liverpol durba gool ayay heleen waxaana saxiixay Curtis Jones, sidaas oo at tahay kooxda martida loo ahaa kubado halis ah aya ku heleen wiilkasha Klopp balse goolhayaha ayaa foojignaa

Liverpool waxa ay ku sareeysay dagaalka qadka dhexe taasi oo ka caawineysay in kubadda gaarsiiyaan afka hore illaa ay ku keeneen gool labaad waxaana iska dhaliyay Kean Bryan xilli  Firminho uu sabab ahaa  daqiiqadii 64-aad.

Sheffield United waa ay wacnaayeen dhamaadkii balse gool ayaa ka maqnaa xilli ay ka sheeganayeen in kubadda durba ay cagtooda ka baxeysay  xilli saaxibada salah ay qasaarinayeen fursado xaqiiq dhamaakdii.

Si waliba oo Sheffield United u dadaalaan waa ay booqan waayeen goosha Liverpool waxaana loogu dhameeyay labadaas gool ee nadiifka ah , xilli guushaan ay imaaneyso  waqti Liverpool ay u baahneyd si kalsoonida ugu soo laabto ka dib hoos  u dhac ku yimid kulamadii ugu dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here