Liverpool oo diyaar u ah soo qaadashada Kylian Mbappe

0
214

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa si aad ah u xiiseyneysa soo xero gelinta laacibka naadiga Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe kaasoo sidoo kale lala xiriirinayo Real Madrid.

Reds ayaa dooneysa soo qaadashada xiddigan haddii uu xagaagan ku biiri waayo naadiga reer Spain, waxayna door bideysaa inay bilaash kula soo wareegto xagaaga dambe markaas oo uu dhammaan doono qandaraaskiisa.

22-sano jirka Faransiiska ah ayaa bartilmaameed u ah Liverpool iyo Los Blancos, wararkuse waxay inta badan la xiriirinayaan u hayaamidda jihada La Liga, sidaas oo ay tahay, haddana kooxda Macallin Jurgen Klopp ayaa weli baacsaneysa saxiixiisa.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiska uu Mbappe kula jiro naadiga PSG ayaa galay sanadkii u dambeeyay, waxaana weeraryahankan uu iska diiday inuu qandaraaska u kordhiyo kooxda ka dhisan magaalada Paris.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here