Liverpool Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbinaysa Xiddig Ka Ciyaara La Liga.

0
242

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarinayso dalab Rasmi ah oo ay ka gudbinayso saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Villarreal ee Arnaut Danjuma.

Klopp ayaa suuqa January u galay sidii uu u xoojin lahaa kooxdiisa dhanka weerarka kadib markii uu waayay xiddigaha Mohamed Salah iyo Sadio mane kuwaas oo koobka Africa kala qayb galaya xulalkooda.

Arnaut Danjuma ayaa Villarreal ku biiray xagaagii laakiin waxa uu durba ka mid noqday xiddigaha ugu fiican kooxda Villarreal isaga oo dhaiyay 9 gool 18 kulan oo uu ciyaaray.

Sida laga soo xigtay Fichajes, Reds ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Danjuma si ay ugu xoojiso weerarkeeda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here