Liverpool Oo Bar-Baro Niyad Jab Leh Kala Kulantay Brighton.

0
67

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Liverpool ayaa bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda Brighton kulan ka tirsanaa premier Leageu.

Liverpool ayaa si fiican ku bilaabatay kulanka xilli ay maamulaysay ciyaarta laakiin Brighton ayaa samanaysay fursado halis ah.

Kooxda Brighton ayaa daqiiqadii 20-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Simon Adingra kaas oo ka faa’iidaystay khalad ay sameeyeen daafaca Liverpool.

Kooxda Klopp ayaa isku dayday in ay ku soo laabato ciyaarta waxana ay sameeyeen fursado aan kala joogsi lahayn.

Daqiiqadii 40-aad ayay Liverpool dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Mohamed Salah kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Liverpool ayaan halkaas ku joogsan waxana ay raadinaysay goolal kale oo ay ciyaarta hogaanka ugu qabto ciyaarta.

Daqiiqadii 45+1-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay Mohamed Salah kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Qaybta dambe ayay Liverpool samaysay fursado badan waxana ay iska khasaariyeen fursado gool cadaan ah.

Laakiin Brighton ayaa daqiiqadii 78-aad Liverpool ku ciqaabtay fursadihii ay khasaarinaysay waxana ay ka dhalisay goolka bar-baraha.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool bar-baro niyad jab leh kala kulantay Brighton.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here