Liverpool oo Anfield ugu awood sheegatay Villarreal

0
428

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Liverpool oo garoonkeeda Anfield ugu awood sheegatay kooxda Villarreal, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, ciyaar aad u xiiso badneyd oo qeyb ka ahayd kulammada lugta koowaad wareegga afar-dhammaadka tartanka Champions League.

Qeybta hore ayeey labada kooxood Liverpool iyo Villarreal ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 53-aad kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu gool iska dhaliyay laacibka Villarreal ee Pervis Estupiñán, dheesha ayaana sidaas ku noqotay 1-0.

55 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Sadio Mané oo caawin ka helay saaxiibkiis Mohamed Salah ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay Liverpool.

Ugu dambeyntii kulankii lugta koowaad wareegga afar-dhammaadka tartanka Champions League ayaa wuxuu ku soo dhammaaday 2-0 ay kaga adkaatay Liverpool, kooxda Villarreal oo martid ugu ahayd garoonka Anfield.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here