LiverpooL Oo 4 Xiddig Midkood U Dhaqaaqi Doonta Si Ay Uga Dhigto Badalka Georginio Wijnaldum

0
228

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarsatay Liiska 4 xiddig oo khadka dhexe ah oo ay midkood u dhaqaaqi karto si uu u noqdo adalka Georginio Wijnaldum suuqa xagaagan.

Xiddiga Georginio Wijnaldum ayaa ka tagay kooxda Liverpool kadib markii uu dhacay heshiiskiisa kooxdu waxana uu qaab xor ah ugu biiray kooxda PSG.

Tababare Jurgen Klopp ayaa la fahamsanyahay in uu doonayay in uu ku xddiga Georginio Wijnaldum ku sii haysto kooxda laakiin waxa uu haatan ka fikirayaa badalkiisa.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay Liverpool haatan isku diyaarinayso in ay samayso saxiix xiddig khadka dhexe ah ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddigaha Youri Tielemans, Houssem Aouar, Franck Kessie iyo Saul Niguez ayaa ah xiddigaha ay Liverpool ku haysato Liiska xiddigaha khadka dhexe ee ay doonayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here