Liverpool & Man City Oo Iska Xaadiriyay Wareega 4-aad Ee Carabao Cup-ka

0
224

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda Liverpool ayaa guul ka gaadhay kooxda Norwich City kulan ka tirsanaa wareega 3-aad ee tartanka Carabao Cup-ka.

Kulanka ayuu Klopp ku soo galay shax u yar xiddigaha da’yarka ah ee kooxda isaga oo nasiyay xiddigaha kooxda 1-aad ka hor kulamada adag ee ay kooxdiisu ciyaari doonto.

Liverpool ayaa si deg-deg ah ku bilaabatay ciyaarta iyada oo uu xiddiga Takumi Minamino dhaliyay goolka furitaanka daqiiqadii 4-aad ee ciyaarta isaga oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Reds ayaa lagu helay rikoodhe iyada oo ay Norwich heshay rikoodhe laakiin waxa rikoodhada si cajiib ah u badbaadiyay Goolhayaha kooxda Liverpool.

Qaybtii dambe ayay Liverpool si dar-dar leh ku bilabaatay ciyaarta waxana ay daqiqiadii 50-aad dhaliyeen goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Divock Origi kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Xiddiga Tukami Minamino ayaa soo laabtay daqiiqadii 80-aad waxana uu kooxdiisa u dhaliyay goolka 3-aad ee ciyaarta isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/0 ay kooxdiisu ku hogaaminayso ciyaarta.

Dhanka kale kooxda Man City ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Wycombe kadib markii Man City looga hor maray gool loogana naxsaday bilowgii ciyaarta.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Kevin De Bruyne, Riyad Mahrez (2), Phil Foden, Ferran Torres iyo Cole Palmer ayaa Man City ka caawisay in ay guul weyn ka gaadho kooxda Wycombe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here