Liverpool Kusoo Biirtay Tartanka Ay Chelsea Iyo Arsenal Ugu Jiraan Victor Osimhem

0
73

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa si xooggan usoo gashay tartanka loogu jiro weeraryahanka reer Nigeria ee Victor Osimhen oo la sheegay in aanu doonayn in uu sii joogo kooxdiisa Napoli wixii ka dambeeya xilli-ciyaareedkan, waxaana hore ugu loollamayay kooxaha reer London ee Chelsea iyo Arsenal.

Tababare Jurgen Klopp ayaa u diray mid ka mid ah gacan-yareyaashiisa in uu kasoo shaqeeyo qorshaha ay kula saxeexanayaan Victor Osimhem, isla markaana uu isku-soo-xidho, si uu telefoonka ugala hadlo.

Tallaabadan ayuu Jurgen Klopp qaaday intii lagu maqnaa fasaxa kulamada caalamiga ah, waxaana la rumaysan yahay in ay xidhiidheen Victor Osmhem ka hor ciyaartii saaxiibtinimo ee xulka dalkiisa Nigiera iyo Sucuudiga ee kusoo dhamaatay barbarraha 2-2, taas oouu dhaawac kaga baxay qabtii dambe

Klopp ayaa la sheegay in uu la dhacsan yahay qaab-ciyaareedka Osimhem oo ay da’diisu tahay 24 jir, gaar ahaan sida uu uga shaqeeyo gudaha garoonka, waxaana uu isku dayayaa khilaafkii dhowaanta soo kala dhax-galay Napoli iyo xiddiga reer Nigeria.

Victor Osimham ayaa xilli-ciyaareedkan socda waxa uu dhaliyey lix gool oo dhamaan tartamada ah, waxaana la sheegay in aanu wali dib u helin qaab-ciyaareedkiisii uu shabaqa kula saaxiibay xilli-ciyaareedkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here