Liverpool Iyo Arsenal Oo Dhibcaha Ku Qaybsaday Anfield

0
56

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa ku heshiiyey in ay dhibcaha ku wadaagaan kulan ay si adag ugu dagaallameen garoonka Anfield, kaas oo labada kooxoodba ay heleen fursado badan oo ay ka faa’iidaysan waayeen.

Gabriel iyo Mohamed Salah ayaa isku jawaabay qaybtii hore, waxaana ay Jurgen Klopp iyo Mikel Arteta ogolaadeen in ay min hal dhibic ka helaan ciyaartan oo inteeda badan ay maamulaysay kooxda martida loo ahaa ee Liverpool oo lumisay sirtii ay kaga badin lahayd kooxaha waaweyn.

Klopp oo ay kooxdiisu barbarro la gashay Man City, Man United iyo Chelsea, ayaa waxa kale u raacday guul-darro ay u xambaarisay Tottenham, halka Arsenal ay noqoto kooxdii weynayd ee u dambaysay ee iyaduna dhibco ka qaadata Liverpool.

Gunners ayaa si weyn ugu dabbaal-degtay natiijadan, iyadoo Mikel Arteta uu ku dheg-dhegay gacan yarihiisa markii ay ciyaartu dhamaatay maadaama ay kooxdiisu ka badbaadday khatar badan, halka Jurgen Klopp uu dhibsanayay natiijadan oo uu rumaysnaa in kooxdiisu ay u qalmaysay inay guuleysato.

Daqiiqaddii 4aad ee bilowga ciyaarta ayay Arsenal hoggaanka ku qabatay kubbad koorne ahayd oo uu madax awood badan ku qabtay difaaca Brazil ee Gabriel Magalhaes oo shabaqa u weydaariyey goolhaye Alisson oo awoodi waayey in gacantiisa midig ay kubadda joojiso.

Laakiin Mohamed Salah ayaa gool qurux badan ugu jawaabay isla markaana kubbad uu kala soo galay dhinaca midig oo uu kusoo eryaday Zinchenko darbad xooggan ku weydaariyey goolhaye Raya oo aan wax fursad ah u helin inuu joojiyo kubaddaas.

Goolka Salah oo dhashay daqiiqaddii 29aad, ayaa waxa dabbaal-deggiisa dhabqiyey dhaawac soo gaadhay Tsimikas oo shan daqiiqadood kaddib ku baxay dhaawac, kaddib markii uu Bukayo Saka oo riixay dhulka ku tuuray, isla markaana isku dul-dhaceen tababare Jurgen Klopp.

Saddex beddel oo uu sameeyey Jurgen Klopp ayaa sii xoojiyey cadaadiska ay Liverpool ku haysay Arsenal, waxaase laba jeer diiday nasiibka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here