Lionel Messi Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadlay Ku Biiristiisa PSG

0
254

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Lionel Messi ayaa bilaabay waayihiisii ​​ciyaareed ee Paris Saint-Germain, isagoo dhaliyay gool kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Manchester City ka hor inta uusan ka soo muuqan guuldarradii 2-0 ee ka soo gaartay Rennes isbuucii hore, laakiin xiddiga reer Argentina ayaan ka shalaynayn in uu ku biiro kooxda reer France.

Messi oo wareysi gaar ah siiyay majaladda France Football ayaa markii ugu horreysay la hadlay warbaahin tan iyo markii uu ku biiray PSG wuxuuna ku qanacsan yahay inuu qaatay go’aan sax ah.

“Qalad maan gelin markaan aaday PSG” waa weedha ka soo baxaysa waraysiga Messi, kaas oo si buuxda u soo bixi doona Sabtida soo socota, 9 bishan haatan lagu jiro.

Lionel Messi ayaan ku bilaaban sidii ay dad badan filayeen isaga oo dhaawac ku seegay kulamo kooxdiisa ah xilli uu sidoo kale aanu soo bandhigin qaab ciyaareedkii looga bartay Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here