Lionel Messi Oo Magacaabay Labada Xiddig Ee Ku Guulaysan Doona Abaalmarinta Sanadka Dambe.

0
303

Lionel Messi ayaa ku taageeray Mohamed Salah iyo Robert Lewandowski inay ku guuleystaan ​​abaalmarinta Ballon d’Or-ka dambe.

Xiddiga reer Argentine ayaa aaminsan in ay wakhti ku haystaan ​​gacmahooda iyo tayada lagama maarmaanka u ah in ay ku guulaystaan ​​abaalmarinta France Football.

Xiddiga PSG ayaa Isniintii ku guuleystay Ballon d’Or-kiisii ​​7-aad, waxaana taasi ay keentay muran badan oo ka dhashay maadam ay dadka qaar aaminsanaayeen in uuna xiddigu u qalmin abaalmarinta.

Iyadoo ay socoto dooda ku saabsan ku guuleysiga abaal marinta Ballon d’Or ee sanadkan, Lionel Messi ayaa shirkiisa jaraa’id kaga hadlay xiddigaha ku guulaysan doona abaalmarinta sanadka dambe waxana uu magacaabay xiddigaha Mohamed Salah iyo Robert Lewandowski.

“Salah waxa uu heli doonaa fursado sanadaha soo socda,labada ciyaaryahan [Salah iyo Lewandowski] waxa ay ku jiraan heerkoodii ugu fiicnaa wakhti xaadirkan waxana ay heli doonaan fursado badan oo ay ugu guulaysan karaan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here