Lionel Messi Oo Kulankii 2-aad Oo Xidhiidh Ah Ka Badbaaday Kaadhka Cas.

0
438

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa nasiib u yeeshay in uu ka badbaado kaadh casaan ah kulankii 2-aad oo xidhiidh ah.

Xiddiga reer Argentine ayaa doonayay in uu kooxdiisa Barcelona ku hogaamiyo difaacashada horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa guul 1/0 ah ka gaadhay kooxda Athletic Bilbao iyaga oo dib ula wareegay hogaanka horyaalka la Liga ka hor kulanka caawa ee Real Madrid.

Xiddiga Barcelona ayaa kaadhka cas ka badbaaday kulankii Sevilla ee todobaadkii hore kadib markii uu dagaal la galay xiddiga daafaca uga ciyaara Sevilla ee Diego Carlos.

Xiddiga Lionel Messi ayaa mar kale ka badbaaday kaadhka cas kulankii ay Barcelona guusha ka gaadhay kooxda Athletic Bilbao kana tirsanaa horyaalka La Liga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here