Lionel Messi oo ka mid noqday musharraxiinta abaal-marinta Sports Cultura ee Barcelona

0
376

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa ka mid ah ciyaartooyda u sharraxan abaal-marinta ‘Sports Cultura Barcelona Award’.

Abaal-marinta dhaqanka iyo isboortiga Barcelona ayaa la siiyaa dhammaan shaqsiyaadka ciyaaraha noocyadooda kala duwan kuwaasoo wax muuqda ku soo kordhiyey Magaalada Barcelona.

Leo Messi ayaa musharrixiinta abaal-marintani ku soo galay, maadaama uu markiisii lixaad ku guuleystay abaal-marinta kubadda dahabka ah ee ‘Ballon d’Or’ ee la siiyo laacibka adduunka ugu fiican, waxaa kaloo liiska ku jira xiddiga ku dheereeya tartanka Baabuurta ee Carlos Sainz.

Xulashada cidda ku guuleysan doonta abaal-marintan sanadlaha ah ayaa waxa ay u dhacaysaa labo qaab,  tan hore waxaa qiimeyn doona guddi ka kooban Suxufiyiin caan ah iyo guddi kale oo madax bannaan, halka qaybta labaadna lagu casuumi doono dhammaan xubnaha Isboortiga iyo dhaqanka Barcelona, waxaana kaddib codka kama dambeysta ah ay ku dooran doonaan cidda ku guuleysata abaal-marintan.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here