Lionel Messi Oo Jabiyay Rikoodh Uu Kaga Dambeeyay Cristiano Ronaldo.

0
148

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Lionel Messi ayaa jabiyay abaartii gool la’aanta ee seddexda kulan ee horyaalka, wuxuuna dhaafay rikoorka Cristiano Ronaldo isagoo gool ka dhaliyay kulankii Ligue 1 ee ay kooxdiisa PSG ka badisay OGC Nice.

Messi ayaa daqiiqadii 26-aad ee ciyaarta gool u dhaliyay kooxda Paris Saint-Germain kulan ay PSG ka baxday guuldarooyin xidhiidh ahaa.

Messi ayaa hadda dhaliyay 702 gool shanta horyaal ee ugu waa wayn Yurub, wuxuuna hal gool ka badan yahay Ronaldo. Laacibka reer Argentina ayaa 105-kulan ka yar marka loo eego Portugal-ka.

Messi ayaa dhaliyay 672 gool 778 kulan oo uu ciyaaray intii uu ku sugnaa Barcelona. Waxa uu haatan u dhaliyay PSG 30 gool, isagoo u ciyaaray 68 kulan.

Ronaldo ayay u badantahay in uuna mar kale Messi ku garaacin rikoodhkaas maadama uu gabi ahaan ka tagay horyaalada ugu waaweyn qaarada yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here